Kadib suleymaan bin qutulmush wuxuu soo aaday shaam waxa uuna weeraray andaakiya oo heestay taliye arman ahaa, durba magaalada gacanta ayee u gashay, balse amiirka xalabsharafu dawla oo u arkay in Suleymaan damac uga juro magaaladiis ayaa dagaal ku bilaay, suleymaan oo ka jawaabaya ayaa weerar ba'an ku qaaday xalab duleedka magaalada ayee ku dirireen waxaana ku dhintay dagaalka sharafu dawlada, suleymaan wuxuu filanaayay in magaalada usoo gacan galeeso laakin taas ma dhicin oo dadkii magaalada ayaa daafac galay suldaanka salaajiqada malik shaah iyo amiirka dimishiqtaajudiin tutush ayeena gurmad weediisteen, taajudiin tutush ayaa soo hormaray, waxayna ku dagaalameen asaga iyo suleymaan meel loo yaqaan ceynu saliim 1086 waxaana lagu dilay dagaalka suleymaan bin qutulmush wiilkiisa qilij arsalaan gacanta ayaa lagu dhigay asfahaan ayaa loo qaaday.
dhimashada suleymaan dawlada cusub waxay soo gaarsiisay daciifnimo, dawlada oo ka mid yihiin daanishmandiyiinta iyo mankuujiyiinta ayaana ka go'ay dawlada. abul qaasim oo isku dhawaayeen suleymaan ayaa hogaanka dawlada qabtay waxa oona ku guuleestay inuu difaaco weerarada biriizandiyiinta hase ahaatee suldaanka salaajiqada Malik shaah ayaa amiir bursuq u soo diray inuu maamulo salaajiqada ruum bursuq ayaa ku fashilmay inuu abulqaasim meesha ka saaro malik shaah ayaa ku badalay amiir buuzaan oo asna ku guuleesan, abulqaasim wuxuu isku dayayay inuu qanciyo Malik shaah laakin Natiijo kama keenin, 1092dii ayaana la dilay, qilij arsalaan Wiilka suleymaan bin qutulmush ayaa dib ugu soo laabtay dawlada waxaana loo doortay suldaan
Weerarka koowaad ee kirishmiska
wax yar kama soo wareegin ku fariisahada qilij arsalaan carshiga waxa uu wajahay weerarkii koowaad ee saliibiga kaas ku baaqay baabaa orabaankii labaad kadib codsi kaga yimid imbiraadoorkii biriizanda aleksiyoos komeniin, kaas oo dalbaday in laga saacido la dagaalanka muslimiinta, waxaa ka bilaawday yurub abaabul dagaal lag\u qaado muslimiinta, waxaa loo hormaray koox kirishmis ah oo xamaasadeesan una badnaa rayid aa dagaal wax ka aqoon, waxay socdaan Qusdandiiniya ayee soo gaareen way soo talaabeen salaajiqada ayee daadaansi ku bilaabeen balse waa la wada laayay in yar oo imbiraadoorka biriizanda badbaadiyay mooyee , qilij arsalaan guushaan oo gaaray ka dib wuxuu ka tagay niiqiya asigoona ku mashquulay khilaaf kala dhaxeeyay daanishmandiyiinta mana ogeen in dagaal xoog badan sugaayo.
Sanadkii 1097 ciidanka kirishmiska oo aad u badnaa talyaal sarena hogaaminaayeen ayaa gaaray niiqiya weyna go'doomiyeen, qilij arsalaan ayaa durbadii soo laabtay wuxuu isku dayay badbaadinta magaaladiis balse kuma guuleysan, wuxuu aaday buuraha, dadka magaalada ayaa muujiyay difaac daran heer ee kirishmiska ku daalaan, markii dambe biriizanda ayaa ku caawisay doomo xaga bada, markaas ayee is dhiibeen biriizanda ayeena u dhiibeen magaalada.
Qilij arsalaan caasimadiis markuu waayay wuxuu caasimad cusub ka dhintay quunya, waxa uuna la galay wada hadal daanishmandiyiinta, si loogu midoobo cadawga soo duulaya.
Ciidanka kirishmiska gulufkooda ayee sii wateen mar ee maraayeen meel la dhaho doorliim ayee qilij arsalaan iyo isbahaysiga muslimiinta dagaal kala kulmeen, inkastoo muslimiinta markii hore guuleesteen hadana gurmad u yimid gaalada awgeed waxay ku qasbanaadeen inay dib u baxaan.
Dagaalada kirishmiska waxey ku yeesheen saameyn weyn dawlada waxayna ku weesay dhul badan 20kii sano ee u dambeeyay qabsadeen
Qilij arsalaan ayaa arkay xal inuu qaribo tuulooyinka si kirishmiska sahay uga dhigan , Weerada kirishmiska waxey u sii gudbeen dhanka shaam, waxayna ka aasaaseen afar imaarado. Dagaalada kirishmiska ayaa kusoo laab laabteen dawlada, qilij arsalaan wuxuu awooday wixii ka dambeeyay 1101 inuu jabiyo sedex weerar taas oo soo celisay hebada dawlada,
ka go'ida salaajiqada waaween
Guulaha uu ka gaaray saliibiyiinta ka dib waxa uu dib ugu laabtay la dagaalanka daanishmandiyiinta kuwaas oo isku heesteen hanashada maltaay, markuu dhintay amiir guumushtakiin 1105 ayuu awooday inuu ka qabsado magaalada ilmihiisa [la 1], waxa uuna ka go'ay salaajiqada waaween kuwaas oo galeen dagaal sokeeye kadib dhimashada suldaan malik shaah, shacbiyada qilij arsalaan ayaa kor u kacday wuxuu qabsaday mayaafaaraqiin, sanadii 1105 ayuu isku dayay qabsashada imaarada ruhaa balse may suura galin, wuu ka soo laabtay wuxuu dhex kusii qabsaday magaalada xaraan.
wuxuu ahaa qilij arsalaan inuu ku duulay mowsil sandii 1107 waxaana u suura gashay inuu qabsado magaalada, balse wuxuu wajahay isbaheysi xoogan oo artaqiyiin iyo amiirka xalab ka koobnaa wuxuu la galay dagaal kaas oo lagu jabshayqilij arsalaan oo cararaya ayaana ku dhintay wabiga, wiilkiis Malik shaah ayaana la qabtay oona loo diray maxamed bin Malik shaah
kala qeyb samida dawlada iyo isku soocelinteeda
Kadib dhimashada qilij arsalaan dawlada way kala qebsantay wiilkiis curudka Malik shaah wuxuu ku jiray xabasi, xaaskiis ayaa qabsatay maltaay wiil yar oo dogrol la dhaho ee dhashay ayaa suldaan laga dhigay, labada wiil kale mascuud iyo carab; mascuud wuxuu ku ag noolaa sodogiis gaazi bin guumushtakiin amiirka daanishmandiyiinta, carabna quunya ayuu joogay, Malik shaah ayaa dib u soo laabtay 1107dii waxaana u suura gashay inuu quunya galo oona noqdo suldaan, waxa uuna xabsiga dhigay labadiis walaal carab iyo mascuud, dagaalo qaraar ayuuna la galay biriizanda oo ahayd inee ku soo fiday dhulka dawlada, labadiisa walaal ayaa xabsiga ka baxsadeen mascuud oo taageero ka helaayo sodogiis gaazi bin guumushtakiin ayaana ku guuleestay inuu dilo walaalkiis Malik shaah 1116 [la 2]
markale ayee dawlada kala qeybsantay mascuud wuxuu qabsaday caasimada iyo meelo kaloo yar, walaalkiis carab wuxuu qabsaday ankara iyo qasdamuuni, walaalkiis kale dogrol oo masuul ka ahaayen hooyadiis iyo ninkeeda blak artaqi wuxuu heestay maltaay, waxaana walaalaha ka dhex bilaawday colaad daran, mascuud markii hore wuxuu diirada saaray la dagaalanka biriizanda waxa uuna ku guuleestay inuu ka soo ceshado dhul badan, sanadkii 1114 gaazi bin guumushtakiin ayaa fursad ku helay maltaay waa uuna qabsaday asigoo garab ka helaayo mascuud, waxa uuna diiday lahaanshaha salaajiqada ee magaalada, carab ayaa aad uga carooday arintaas wuxuuna ku eedeeyay mascuud inuu qiyaanay dawlada oona ilaalin karin dhulkeeda, 1116 weerar xoogan ayuu ku qaaday caasimada mascuud ayaa ka gurmad dalbay biriizanda, carabna amiirka arman ayuu garab ka dalbay, dagaalo adag ayaa dhex maray kuwaas oo ku soo dhamaaday inuu guuleestay mascuud, inkastoo mascuud uu kaligiis soo haray hadana wuxuu ku sii hoos noolaa gaazi bin guumushtakiin ilaa uu ka dhintay 1135.
Ka hortagida weerarka 2aad
imaarada ruhaa oo ka mid ahayd imaaradaha kirishmiska ayaa waxaa qabsaday zankiyiinta waxaana ka dhashay weerar saliibi oo cusub weerarkan waxaa hogaaminaayay boqorka faransiiska luwiis todobaad iyo boqorka jarmalka konraad sedexaad, mascuud ayaa ka hortagay waxa uuna u geestay baaba' xun ciidanka jarmalka, boqorkooda wuu dhaawacmay xitaa, faransiiska ayagana khasaaro xoogan buu gaarsiiyay inkastoo ku guuleesteen inee u gudbaan shaam, mascuud waxa oo isbahaysi la sameeyay nuurudiin zanki haraadiga imaarada ruhaa ayeena ku qaadeen weeraro aa kala joogsi laheen ugu dambeyn way la wareegeen weyna kala qeybsadeen
Qilij arsalaan labaad
Mascuud wuxuu u baxay la dagaalanka amiirka armiiniya tuuruus labaad markuu ka soo laabtay wuu dhintay 1156 xilkana waxaa qabtay qilij arsalaan labaad, waxaa bilaawday dagaalo u dhaxeeya dawlada iyo daanishmandiyiinta blase nuurudiin zanki oo arkaayay in is khilaafka muslimiinta uu awood siinaayo cadawga ayaa dhaxdhaadin sameeyay , markale ayuu khilaafka soo laabtay hadana culumada iyo wax garadka ayaa hishiis sameeyeen, hishiiska ka dib qilij arsalaan labaad wuxuu ku duulay biriizanda, waxa uuna ka qabsaday magaalooyinka laarinda iyo saliiqiya, balse mudadii u dhaxeesay 1159-1161 waxa uu kala kulmay biriizanda jab is daba jooga ugu dambeyn wuxuu aqbalay hishiis dhigaayay shuruudo adag , mudadii uu hishiiska socday Qilij arsalaan wuxuu xooga saaray soo celinta awooda dawlada waxaana u suura gashay 1574 inuu qabsado imaarada siiwaas oo daanishmandiyiinta ka mid ahayd, imbiraadoorka biriizanda ayaa arkay inuu fursad siiyay qilij arsalaan waxa uuna dalbaday dhulka daanishmandiyiinta, markii loo diiday dagaal ayuu soo qaaday Qilij arsalaan ayaa awooday inuu ku jabiyo dagaalkii miryokifaaloon, khasaaro adag ayuuna gaarsiiyay [la 3]. Sanadkii 1177 waxa uu qabsaday imaarada maltaay oo ugu dambeesay daanishmandiyiinta, sidaas ayee dawlada ku noqotay awooda muslimka kaliya ee ka jirta anaadool.
kiikhisroof wuxuu dhintay 1246, mdaxdii ka dambeeyay waxay ahaayeen kuwo tataarka uu keensaday wax awood ahna ma laheen inta badan labo ama sedex ayee xilka ku wadaageen kadib cadaadiska u tataarka u haayo dawlada ayaa isi soo taraatyay, canshuur aad u badan ayee soo rogeen dadka ayaa galay xaalad adag oo usii dheer tahay dulmiga tataarka weerarada biriizanda ee sii kordhaaya dilka siyaasiinta, masiibooyin dabiici ah cuduro faafa ayaa gabi ahaanba ruxay dawlada, suldaankii ugu dambeeyay dawlada mascuud labaad markuu dhintay 1307 waxay u qeybsantay dawlada toban imaaradood oo loo yaqaanay imaaradaha anaadool, waxayna kala ahaayeen imaarada qaramaan, tika, banuu xumeyd, karmiyaan, munashtaa, banuu barawaana, cusmaaniyiinta, saaruuqaan, banuuaydiin iyo qaraasii, cusmaaniyiinta ayaa mar dambe awoodeen inay aasaasaan dawlad awood badan oo kulmisa imaaradaha oo dhan
Dhaqanka iyo ilbaxnimada
Dhaqanka
Inkastoo ey ahaayeen trki waxaa aad ugu faafsanaa dhaqanka faarisiga, qoyska boqortooyada ayaa muddo yar gudaheed kaga tagay magacyadoodii hore ee Turkiga waxayna door bideen in ay wiilashooda u bixiyaan magacyada halyeeyada Iran ee taariikhiga ah ama taliyayaasha sida Kiikaawuus, Keyqubaad, Kiikhisroof . Xagga Turkida, waxa jira muuqaal weli xambaarsan hab-nololeedka Aasiyada Dhexe, dhaqameed iyo caqiido, oo aan awoodin in uu dhexgalo dhaqanka iyo caqiidada Islaamka. Halka kuwa degey tuulooyinka ama magaalooyinka ay ku hoos jireen saameynta dhaqamada Iran iyo Islaamka, kooxaha weli haysta dhaqaalihii nolol-guuraaga ee reer-guuraaga ahaa waxay door bideen meelaha fog, roobabka ama "dhamaadka" degsiimooyinka.
Dhismooyinka
salaajiqada waxey aad u daneeyeen dhismaha, waxey dhiseen masaajido waaween, qabuuro, madarasooyin qsriyaal isbitaalo, buundooyin, musqul qubeyseed, meelo socotada lagu Marti qaado oo loo yaqaan "khaan"
aqoonta iyo suugaanta
waxey gaartay aqoonta meel fiican waxaa la dhisay madarasooyin waaween o lagu barto culuumta sharciga islaamka gaar ahaan madhabka xanafiga, sidoo kale waxaa jiray goobo lagu barto quraanka iyo meelo lagu barto xadiiska oo loo yaqaan daaru xadiis, madarasooyin lagu barto caafimaadka ayaa la dhisay dhamaan madarasooyinka waxaa ku dhagnaa masjid lagu tukado .
↑The Cambridge history of Islam: The Central Islamic lands from Pre-Islamic, Editors: Peter Malcolm Holt, Ann K. S. Lambton and Bernard Lewis, (Cambridge University Press, 1970), 239.
↑Prof. Yaşar Yüce-Prof. Ali Sevim: Türkiye tarihi Cilt I, AKDTYKTTK Yayınları, İstanbul, 1991 p 118
↑{{استشهاد بكتاب|مؤلف1= القرماني، أحمد بن يُوسُف|عنوان= أخبار الدُول وآثار الأُول في التاريخ|صفحة= 294|سنة= ]|ناشر= مطبعة الميرزا عبَّاس التبريزي|مكان= ]|مسار= https://upload.wikimedia.org/wikisource/ar/f/fa/أخبار_الدول.pdf|مسار أرشيف= https://web.archive.org/web/20201110005455/https://upload.wikimedia.org/wikisource/ar/f/fa/أخبار_الدول.pdf
|تاريخ أرشيف=2020-11-10
↑Balcıoğlu, Tahir Harimî, ''Türk Tarihinde Mezhep Cereyanları - The course of ] events in ] ], '' (Preface and notes by Hilmi Ziya Ülken), 271 pages, Ahmet Sait Press, Kanaat Publications, Istanbul, 1940. Template:أيقونة تركية